Wararka Soomaalida
Madaxa mashaariicda UNDP iyo Gudoomiye Finish oo wada kulmay
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya Mss Doel ayaa maanta shir ku yeeshay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho iyagoo ka wada hadlay arimo ka mid yihiin qoysaska barakacayaasha ah iyo horumarinta bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.
Mss Doel iyo Gudoomiye Cumar Finish ayaa arimo farabadan isla meel dhigay ka dib shir dheer oo maanta ay ku yeesheen xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
“Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya Mss. Doel oo maanta aqalka dowlada hoose Xamar nagu soo booqatay ayaan kawada hadalnay arima dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen iskaashiga Amniga Caasimadda iyo fulinta adeegyo muhiim u ah bulshada degmooyinka gobolka Banaadir”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish.