Wararka Soomaalida
Madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle oo hadiyado la gudoon siiyey
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa maanta hadiyado gudoon siiyey Madaxweyniyaasha Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi waare iyo sidoo kale wasiiradii iyo Xildhibaanadii la socday. Hadiyadahaas ayaa waxaa loo gudoon siiyey geesinimada iyo dadaalkii ay u soo galeen ka miro dhalinta Iskaashiga cusub ee Garowe […]
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa maanta hadiyado gudoon siiyey Madaxweyniyaasha Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi waare iyo sidoo kale wasiiradii iyo Xildhibaanadii la socday.
Hadiyadahaas ayaa waxaa loo gudoon siiyey geesinimada iyo dadaalkii ay u soo galeen ka miro dhalinta Iskaashiga cusub ee Garowe iyo arimaha nabadda iyo wadajirka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweyniyaasha Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana dhankooda Hadiyado gudoonsiiyey Saraakiisha Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ka dib markii sida ay sheegeen shaqo wanaagsan uqabteen intii ay ku sugnaayeen Garowe.