Wararka Soomaalida
Madaxda uga saraysa Dowladda federaalka oo lakulmay Haweenayda Siyaasadda uqaabilsan QM Daawo Sawirada
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho booqasho ku timid haweenayda lagumagacaabo Rosemary DiCarlo iyo Wafdi ay hogaaminayso,Rosemary DiCarlo ayaa waxay tahay ku xigeenka xog hayaha QM dhinaca Siyaasadda. haweenaydan iyo wafdigeeda ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyagoo ka soo wada hadlay arimaha khilaafka QM iyo dowladda federaalka Soomaaliya. intaas ka dib ayaa Ra’iisul wasaaraha […]
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho booqasho ku timid haweenayda lagumagacaabo Rosemary DiCarlo iyo Wafdi ay hogaaminayso,Rosemary DiCarlo ayaa waxay tahay ku xigeenka xog hayaha QM dhinaca Siyaasadda.
haweenaydan iyo wafdigeeda ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyagoo ka soo wada hadlay arimaha khilaafka QM iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
intaas ka dib ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaa uu ku qaabilay Xafiiskiisa Rosemary DiCarlo iyo wafdigeeda.
Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.
Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay ayaa ku heshiiyay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya.
Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.
Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib u qaabaynta dawladda waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.