Wararka Soomaalida
Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay warar lagu baahiyay Baraha bulshada
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka soomaaliga gaar ahaan kuwa website-yada lagu baahiyay in madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ay qorshaynayaan in Kiiska Badda wadahadal ka geleyaan. Arintaas ayaa waxaa ka hadashay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana lagu tilmaamay wararka kutiri kuteenka ah ee intaban lagu faafiyo […]
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka soomaaliga gaar ahaan kuwa website-yada lagu baahiyay in madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ay qorshaynayaan in Kiiska Badda wadahadal ka geleyaan.
Arintaas ayaa waxaa ka hadashay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana lagu tilmaamay wararka kutiri kuteenka ah ee intaban lagu faafiyo baraha Bulshada iyo qaar yar oo ka mid ah kuwa ay adeegsadaan qolooyinka Mucaaradka sida lagu shaaciyay warkan ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya dhinaca Saxaafadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin oo been abuur ah,wararka lagu arkay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta waxaana uu sheegay in mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya sidiisii uu yahay oo aaney waxba iska bedelin.
“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah faafiyay”ayuu ku yiri Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed bartiisa Facebook.
___________________________________
We unequivocally deny the malicious media reports claiming a change of the position of the Federal Government of Somalia on the ongoing case at the ICJ.
The Office of the Attorney General will investigate sources of this propaganda and the fake news it embodies.