Wararka Soomaalida

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay warkii beenta ahaa

Warkii maanta ay baahisay Idaacad ka mid ah Idaacadaha ku yaala Muqdisho ee ahaa inuu iscasilayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka jwaabtay Madaxtooyada Soomaaliya. Idaacadda baahisay warkaas beenta noqday ayaa wuxuu ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo beesha caalamka ay ku cadaadinayso inuu xilka ka qaado Ra’iisul wasaarihiisa […]

Published

on

Warkii maanta ay baahisay Idaacad ka mid ah Idaacadaha ku yaala Muqdisho ee ahaa inuu iscasilayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka jwaabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Idaacadda baahisay warkaas beenta noqday ayaa wuxuu ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo beesha caalamka ay ku cadaadinayso inuu xilka ka qaado Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Khahre ka dibna Ra’iisul wasaaraha arinkaas uu aqbalay sidaas ayey baahisay Idaacadaas.

Haddaba Agaasimaha war faafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warkaas been abuur geed looga soo gabanin ku tilmaamay.

Wuxuuna intaas raaciyey in xarunta war baahineed ee warkaas sheegtay ay tahay xarun Anshaxa saxaafadda ku dhaqmin sidoo kale aan la hayn wax faaf reeb ah.

Agaasimaha war faafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraalkan uu kaga falcelinayo warkan been abuurka ah soo dhigay bartiisa Facebook.

“Warbaahin aan anshax, dheelli-tirnaan iyo hufnaan lahayn waxay bulshada kaga halis badantahay dhakhtar aan aqoon lahayn,sababtuna waxa ay tahay dhakhtarka wuxuu daawo khaldan ku dili karaa qofka iyo labada fadhigiisa ugu taga balse warbaahinta iyo wariyaha aan aqoonta lahayn waxay wasakhayn karaan dhagaha iyo indhaha malaayiin guryahooda iska fadhiya,waa in la helaa shuruuc iyo nidaam ay bulshada isla ogoshahay oo lagula xisaabtamo kuwa beenta faafiya, kuwa magac dilka lacagta ka sameeya iyo kuwa nacaybka iyo colaadaha huriya, iyada oo aan marnaba gorgortan la galinaynin xuquuqda dastuuriga ee xorriyadda hadalka”ayuu yiri Agaasimaha war faafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Warkan beenta ah ee ay baahisay Idaacaddaas ayaa waxaa run uqaatay boqolaal Soomaaliyeed oo ku nool caasimadda iyo dibadda iyadoo markii dambe warkaas lagu faafiyey baraha bulshada iyadoo la soo xiganayo xarunta warkan baahisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version