Wararka Soomaalida
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay warqadaha lagu faafiyey Facebook
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur ayaa waxaa uu ka hadlay warqadaha lagu daadiyey Facebook ee lagu sheegay in dowladda Soomaaliya xiriirkii ujartay Kenya. Agaasimaha ayaa wuxuu sheegay in wararkaas ay yihiin been abuur. “Ma jirto warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo looga jawaabayo xaaladda Soomaliya iyo Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta kasoo […]
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur ayaa waxaa uu ka hadlay warqadaha lagu daadiyey Facebook ee lagu sheegay in dowladda Soomaaliya xiriirkii ujartay Kenya.
Agaasimaha ayaa wuxuu sheegay in wararkaas ay yihiin been abuur.
“Ma jirto warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo looga jawaabayo xaaladda Soomaliya iyo Kenya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta kasoo saari doontaa war saxaafadeed waafi oo ku aaddan xaaladda haatan taagan.
Fadlan halaga fogaado faafinta wararka been abuurka ah.”
Agaasimaha ayaa waxaa uu intaas warkiisa ku daray in jawaab waafi ah ka soo bixi doonto Madaxtooyada Soomaaliya inta ka horaysa lagu kadsoomin Wararka been abuurka ah.