Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Cuba Miguel oo lahadlay Farmaajo iyo Uhuru
Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Diaz Canel ayaa qadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ka dib markii dhaqaatiir udhalatay dalka Cuba afduub loo gaystay. Dhaqaatiirta Cuba ayaa waxaa la afduubay dhamaadkii bishii Maarso waxaana laga soo afduubay Degmada Bandheera ee Gobolka waqooyi bari ka dib howlo shaqo oo halkaas ay u […]
Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Diaz Canel ayaa qadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ka dib markii dhaqaatiir udhalatay dalka Cuba afduub loo gaystay.
Dhaqaatiirta Cuba ayaa waxaa la afduubay dhamaadkii bishii Maarso waxaana laga soo afduubay Degmada Bandheera ee Gobolka waqooyi bari ka dib howlo shaqo oo halkaas ay u tageen.
Dhaqaatiirta ayaa waxay gaarayaan afar dhaqtar waxaana la sheegay in Dablay hubaysan ay afduubeen ka dibna la soo aadeen dhinaca Soomaaliya.
Afduubka dhaqaatiirta ayaa waxaa loo badinayaa in ay ka dambeeyaan Kooxda Al shabaab.
Dhaqaatiirta Cuba markii dablayda hubaysan ay afduubanayeen ayaa wararaka waxay sheegayaan in la dilay askari ilaalo u,ahaa.
Tirada guud ee dhaqaatiirta Cuba ayaa waxay ahaayeen 100 dhaqtar afrtii ugu horaysay ee shaqo loo soo diryana ay yihiin kuwan la afduubay.
Imaashaha Kenya dhaqaatiirtan ayaa waxaa ka dambeeyey mas,uuliyiin Kenayan ah si howlo caafimaad dalka Kenya ay ugu fuliyaan.
Madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa ka codsaday Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya inay ka shaqeeyaan sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen dhaqaatiirta.
Farmaajo,Uhuru iyo Miguel ayaa isla Meeldhigay qaabkii loo heli lahaa halka lagu hayo dhaqaatiirta iyo sidii loo soo dayn lahaa.