Wararka Soomaalida

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo amar Deg-Deg ah soo rogay (Akhriso)

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ee Soomaaliya Saciid Cabdulaahi Maxamed (Saciid Dani) ayaa galabta soo saaray amar Deg-Deg ah oo ku saabsan in wax lacag ah oo maamulka Puntland uu leeyahay, yaallana Bangiyadda iyo Akoonada ku yaalla Puntland aanan laga bixin karin amar la’aantiisa. War saxaafadeed galabta ka soo baxay Saciid Dani ayaa waxaa lagu […]

Published

on

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ee Soomaaliya Saciid Cabdulaahi Maxamed (Saciid Dani) ayaa galabta soo saaray amar Deg-Deg ah oo ku saabsan in wax lacag ah oo maamulka Puntland uu leeyahay, yaallana Bangiyadda iyo Akoonada ku yaalla Puntland aanan laga bixin karin amar la’aantiisa.

War saxaafadeed galabta ka soo baxay Saciid Dani ayaa waxaa lagu faray Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland in ay u hogaansanto amarkan uu soo saaray Madaxweynaha cusubi ee maanta xilkan loo doortay, loona dhaariyey.

Amarkan Deg-Dega ah ee uu soo saaray Saciid Dani Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Warar aan helnay ay sheegayaan in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland xilkana dhowaan wareejin doona looga cabsi qabo in uu sameeyo Musuq maasuq.

Cabdiwali Gaas ayaa aad ugu xumaaday guul daradii doorashada maanta ka dhacay Garowe ka raacday iyo in uu fahmay in guusha Saciid Dani ee Madaxweynaha ka noqday Puntland ay hor seed u ahaayeen Madaxda federaalka Soomaaliya iyagoo waliba ku bixiyey dadaal iyo dhaqale si asaga looga Takhulaso,wayna dhacday taas.

Hoos ka Akhriso amarka Madaxweynaha Cusub ee Puntland uu soo saaray

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version