Wararka Soomaalida
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Khudbad kooban jeediyey
Saciid Cabdulaahi Dani oo maanta ka guulaystay 20 kii Musharax ee uu tartanka lagalay ayaa khudbad kooban oo uu jeediyey ugu umahad celiyey Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland ee xilkaas u doortay. Waxaa kaloo uu u mahad celiyey Musharaxiintii xilkan kula tartamay ee 20 Musharax ahaa Golaha Isimada Puntland,Kor joogtada Doorashada Puntland ee beesha Caalamka iyo […]
Saciid Cabdulaahi Dani oo maanta ka guulaystay 20 kii Musharax ee uu tartanka lagalay ayaa khudbad kooban oo uu jeediyey ugu umahad celiyey Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland ee xilkaas u doortay.
Waxaa kaloo uu u mahad celiyey Musharaxiintii xilkan kula tartamay ee 20 Musharax ahaa Golaha Isimada Puntland,Kor joogtada Doorashada Puntland ee beesha Caalamka iyo Bulshada reer Puntland.
Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu aad ufaraxsan yahay fuulayna xil culus iyo Mas,uuliyad aad uweyn.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Saciid Dani in uu u baahan yahay in lagala shaqeeyo xilkan culus ee uu maanta ku guulaystay iyo in uu soo galay Jihaad dheer iyo soo jeed farabadan si uu ugu guulasto xilka Madaxweynaha Puntland ee maanta uu ku guulaystay.
Wuxuu yiri”waxaan soo galay soo jeed farabadan iyo Jihads maalmihii ugu dambeeyey siiba Afartii habeen ee ugu dambaysay waxaan filayaa in aan helnay wixii aan u soo wada jeednay habeenadaas waxaan shacab weynaha reer Puntland iyo dhamaan Golaha Wakiilada Puntland ka codsanayaa in ay igala shaqeeyaan xilkan la,isaaray”
Saciid Cabdulaahi Dani waxaa uu soo hadal qaaday artimaha Guud ahaan ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in Puntland shaqada laga doonayo ay tahay midnimada Soomaaliya ay doonayso.
Madaxweynaha ma soo hadal qaadin arrimaha Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaana Wararku ay sheegayaan in uu ka mid yahay Xisbiga Damu jadiid ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu madax u yahay.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Puntland ee uu ku guulaystay.