Wararka Soomaalida
Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni oo amar Deg-Deg ah soo saaray
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed (Siciid Deni) ayaa maanta Xafiiskiisa ka soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo arrimo horey uga jiray Deegaanada Maamulka Puntland. Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa sheegay in uu joojiyey Canshuur dhaaf iyo Canshuur Dhimis loo samaynjiray Hay’adaha Maamulka Puntland iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee ka […]
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed (Siciid Deni) ayaa maanta Xafiiskiisa ka soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo arrimo horey uga jiray Deegaanada Maamulka Puntland.
Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa sheegay in uu joojiyey Canshuur dhaaf iyo Canshuur Dhimis loo samaynjiray Hay’adaha Maamulka Puntland iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howlgala deegaanada Maamulka Puntland.
Laga bilaabo maanta ayaa waxaa la,mamnuucay howlahaas Canshuur dhaafka ah iyo Cabshuur dhimista ee ay ku dhaqmijireen Madaxdii asaga xilkan kaga horaysay sida ku xusan Wareegtadan ee uu soo saaray Siciid Deni.
Wargeegtadan maanta ka soo baxday Siciid Deni Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Maamulka Puntland ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Madaxweyne Deni tan iyo maalinkii xilkan loo doortayba uu waday ukuurgalidda arrimaha Maamulka Puntland iyo Howlaha shaqo sida ay u socdaan.
Siciid Deni dadka Ku dhow-dhow ayaa waxay sheegayaan in hadafkiisa ee Puntland uu yahay in waxbadan uu ka bedelo qaabkii shaqo ee madaxdii asaga ka horeysay ay wax ku maamulayeen.
Sidoo kale uu la,imaan doono shaqo ku dhisan karti,Hufnaan dar-dar-galinta Howlaha Cadaalada iyo sinnaan sidoo kale uu baabi,inayo arrimihii Musuq-Maasuqa ee ka jiray Puntland ee lagu dacayidayn jiray Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Afartii sanadood ee Puntland uu soo maamulayey