Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Dalka Uganda oo sheegay in Soomaaliya aaney kajirin nadaam Dowladeed
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi siiyey TVGA NTV Uganda ayaa sheegay in ay jiraan wadamo farabadan oo caalamka ka mid ah oo aaney ka jirin wax nidaam ah iyo hay-kal dowladeed oo awood iyo nidaam dhamaystiran leh. Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa markii uu ka hadlayey arimahaas waxaa uu tusaale u soo […]
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi siiyey TVGA NTV Uganda ayaa sheegay in ay jiraan wadamo farabadan oo caalamka ka mid ah oo aaney ka jirin wax nidaam ah iyo hay-kal dowladeed oo awood iyo nidaam dhamaystiran leh.
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa markii uu ka hadlayey arimahaas waxaa uu tusaale u soo qaatay dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada aaney kajirin wax dowlad iyo hay`ado dastuuri ah oo awood leh.
waxaa kaloo jira oo aan halkan ka sheegi karin arimo siyaasadeed awgeed wadamo aaney nidaam iyo kala dambeyn lahayn ayuu sheegay Madaxweynaha Dalka Ugadan Yoweri Museveni.
waxaana uu yiri”Waxaa jira wadamo farabadan oo caalamka ka mid ah oo aaney lahayn hay`ado awood leh oo sharciga ku shaqeeya sida Soomaaliya oo kale waxaa intaas dheer kuwo kale oo aan halka ka sheegi karin arimo siyaasadeed awgeed”
hadlkan ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa waxaa si aad ah u dhibsaday muwaadaniin Soomalaiyeed oo aad ufarabadan.
Madaxweynahan Soomaaliya dowlad ka majirto leh waxaa Dalka Soomaaliya ka jooga Ciidanka uaga badan Midowga Africa ee AMISOM.
Hoos ka akhri hadalkiisa
There are many countries that have no State. They are there but they have no organised authority that runs them, Somalia is one of them. There are others but I will not mention them for diplomatic reasons – President @KagutaMuseveni #NTVNews http://www.ntv.co.ug/live