Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida oo markale looga yeeray Addis-Ababa
Wararka aan ka helayno Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in mar seddaxaad Addis-Ababa looga yeeray Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar Cagjar ka gadaal markii uu sii xumaaday meel adagna uu istaagay Khilaafka udhexeeya asaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacbiga Soomaalida Axmed Shide. Arrintan siyaasadda salka ku haysa ee hadda ka […]
Wararka aan ka helayno Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in mar seddaxaad Addis-Ababa looga yeeray Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar Cagjar ka gadaal markii uu sii xumaaday meel adagna uu istaagay Khilaafka udhexeeya asaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacbiga Soomaalida Axmed Shide.
Arrintan siyaasadda salka ku haysa ee hadda ka soo cusboonaatay deegaanada Ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa uu salka ku hayaa awood qaybsiga Maamulka waxaana qaboojinta arintan u,istaagay iskunahowlay si,ay udejiyaan Odayaasha deegaanka oo tan iyo markii uu soo if baxay Khilaafkan ku howlanaa.
Qaar ka mid ah Odayaashaas oo lahadlay Saxaafadda ayaa sheegay in talaabada kowaad ee heshiisiinta ku aadan ay ka bilaabeen Madaxweyne Cagjar uuna ka aqbalay dadaalka ay wadaan ka dibna Telefon udiray Axmed Shide markii uu ka qabtay wicitaankooda ay u jeediyeen ujeedkooda,asaguna uu ka ajiibay dalabkii ay u jeediyeen.
Meesha ay wax ka soconwaayeen ee khilaafka sii kiciyey ayaa Odayaashu waxay ku sheegeen in Axmed Shide oo ku sugan Addis-Ababa uu ka soo daahay waqtigii Odayaasha ay ku balameen ee ahaa in uu yimaado Magaalada Jigjiga si loo xaliyo khilaafka taagan.
Axmed Shide ayaa waxaa uu yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda federaalka Itoobiya ahna Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacbiga Soomaalida.
Wixii ku soo kordha arintan khilaafka ah ee marba marka ka sii dambaysa cirka isku sii shareeraysa iyo Mustafe Cagjar Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee markii seddaxaad looga yeeray Addis-Ababa waxaad kala socon kartaan wargayska Tusmotimes insha,allah.