Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Dowladda federaalka oo ku soo laabtay Muqdisho Daawo Sawirada
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta dib uga soo laabtay Magaalada Muqdisho kagadaal markii wafdi uu hogaaminayo Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ay kaga qayb galeen xafladii Caleema saarkii Madaxda cusub ee Maamulka Puntland. Farmaajo ayaa waxaa soo ambabixiisii Magaalada Garowe ka soo sagootayey Madaxda Maamulka Puntland oo […]
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta dib uga soo laabtay Magaalada Muqdisho kagadaal markii wafdi uu hogaaminayo Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ay kaga qayb galeen xafladii Caleema saarkii Madaxda cusub ee Maamulka Puntland.
Farmaajo ayaa waxaa soo ambabixiisii Magaalada Garowe ka soo sagootayey Madaxda Maamulka Puntland oo uga horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Mas,uuliyiin kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Madaxda Puntland soo dhaweyntii wnaagsaneed ee ay u sameeyeen asaga iyo wafdigii uu hogaaminayey ee ka qayb galay xafladii Caleema Saarka.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayey intii ay ku sugnaayeen Magaalada Garowe ayaa waxay ka qayb galeen gogol nabadeed oo uu fidiyey Madaxwwynaha Maamulka Puntland Siciid Deni taasoo ku saabsaneed soo afjarida khilaafkii ka dhexjiray Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowladda dhexe oo hadda ku soo idlaaday Isfahan iyo wadasgaqayn in ay wada yeeshaan.
Waxaana lagu balamay in bisha Maarso lagu dhamaystiro wixii dhiman shir ka dhici doona Magaalada Garowe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is ogolaanshaha iyo midnimada hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u yihiin xaqiijinta dib u kabashada dalka iyo ka dhabaynta himillada ku aaddan Soomaaliya oo horumarsan,amni ah oo dadkeedu nolol wanaagsan dalkooda ay ku haystaan.
“Waxaan rabaa inaan halkan ugu mahadceliyo shacabka reer Garoowe iyo Puntland, Madaxweynahooda iyo dowladdooda, sida wanaagsan ee walaaltinnimada leh, Soomaalinnimadu ku jirto ee ay aniga iyo wafdigayga noo soo dhaweeyeen. Runtii waxay ahayd wax aad iyo aad loogu farxo oo aan mar walba ka filaayey dadka reer Puntland ee nabadda jecel.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dardar geliso xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,si loo mideeyo qorsheyaasha iyo dadaallada horumarka leh.