Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo hambalyo udiray Hogaanka cusub ee Puntland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo soo dhaweynba udiray Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani iyo Madaxweyne ku xugeenka cusub ee Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) oo maanta ay doorteen Golaha Wakiilada Maamulka Puntland. War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska War-Faafinta Madaxweyne Farmaajo wax yar un ka dib […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo soo dhaweynba udiray Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani iyo Madaxweyne ku xugeenka cusub ee Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) oo maanta ay doorteen Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska War-Faafinta Madaxweyne Farmaajo wax yar un ka dib markii ay soo idlaatay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa waxaa uu uqornaa War-Saxaafadeedka Madaxweyne Farmaajo sidan soo socota.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland
Muqdisho, Jan 08, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.
“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.
DHAMMAAD.