Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Faransiiska oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta gaaray caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti waxaana soo dhaweynayn wanaagsan u sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Emanuel Macron iyo Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka wada hadlay arrimaha labada wadan isdhexgalka bulshada labada shacab,dhaqaalaha,amaanka iyo xoojinta xiriir wanaaga. Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron […]

Published

on

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta gaaray caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti waxaana soo dhaweynayn wanaagsan u sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Emanuel Macron iyo Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka wada hadlay arrimaha labada wadan isdhexgalka bulshada labada shacab,dhaqaalaha,amaanka iyo xoojinta xiriir wanaaga.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa intaas ka dib booqday Saldhiga ugu weyn Africa ee Ciidamada Cirka ee dalka Faransiiska ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxaa uu ka mid yahay wadamada Faransiiska uu gumaysan jiray in kastoo xornimo uu ka qaatay Jabuuti heeradii gumeysi ee Faransiiska haddana waxaa wali kor ka waardiyeeya Faransiiska iyadoo Jabuuti ay joogaan Ciidanimo aad utirobadan.

Emanuel Macron iyo wafdigiisa ayaa beri u duuli doona Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya waxaa halkaas ku sugaya Ra’iisuk wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Kulankaas ka dib Emanuel Macron ayaa waxaa uu u soo laaban doonaa Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxayna kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version