Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Guinea oo markii ugu horaysay ka hadlay arimaha soomaaliya

Published

on

Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ayaa markii ugu horaysay abid waxaa uu ka hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan xagga siyaasadda ka dib khudbad uu ka jeediyay munaasabad qado sharaf ah oo uu usameeyay Madaxweynaha dalka aan walaalahanahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Guinea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay booqasho ku joogaan caasimada dalka Guinea ee Conakry ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha dalkaasi Alpha Conde.

Alpha Conde Madaxweynaha dalka Guinea ayaa amaan iyo bogaadinba kala duldhacay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isagoo ku amaanay inuu yahay nin ku dadaalaya isku keenida iyo midnimada Soomaaliya wuxuuna ka codsaday inuu ku dadaalo sidii loo wada hadalsiin lahaa Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooni isutaaga Soomaaliland si midnimadii Soomaaliya loo soo celiyo.

“Mudane Madaxweyne ku soo dhowoow dalka Guinea aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida aad usoo ajiibtay casuumaadii aan kuugu yeeray waxaan halkan ka cadaynayaa inaad tahay Madaxweyne sharaf iyo karaamo hugan ka dib markii aan arkay sida aad ugu dadaalayso isku keenida dadka Soomaalida ah ee bur burkii ku dhacay awgeed ku kala tagay anigoo ka faa,iidaysanaya munaasabadan aadbaan kaaga mahad celinayaa dadaalkaas aad usamaysay Soomaalida dhexdeeda waxaan ku dhihi lahaa siiwad oo ha kadaalin ilaa midnimo Soomaalida dhaxdeeda ah laga gaaro,dhinaca kale waxaan kaa codsan lahaa inaad ku dadaasho sidii dowladda hadda ka jirta Soomaaliya Madaxdooda iyo Soomaaliland uwada hadalsiin lahayd waa muhiim qodobkaas ku dadaal oo ka miradhali dadaalkaaga”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo hadalka qaatay ayaa umahad celiyay Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde sida sharafta leh ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhaweeyeen marnaba Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ma soo hadal qaadin amaanta uu ujeediyay Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde iyo wada hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland kaliya khudbadiisa wuxuu ku koobay umahad celinta Alpha Conde iyo soo dhaweyntii loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Dalka Guinea ayaa 4-tii bishii July ee sanadkan waxaa xiriirkii diblomaasi ujartay dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii xiligaas hab maamuus udhiga sida Madaxweyne caalamka laga aqoonsan yahay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Trending

Exit mobile version