Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Hirshabele iyo Saraakiisha Amisom oo yeeshay kulan kale+sawiro
Iyadoo wali uu taagan yahay qorshihii ahaa ka bixi taanka Ciidamada Amisom dalka Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada ka socda dalka Burundi qayb ka mid ah in ay ka bixi doonaan deegaanada Maamulka hirShabelle ayaa maanta waxaa kulan labaad oo aritan looga xaajoonayo Magaalada Jowhar ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Saraakiisha Ciidamada […]
Iyadoo wali uu taagan yahay qorshihii ahaa ka bixi taanka Ciidamada Amisom dalka Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada ka socda dalka Burundi qayb ka mid ah in ay ka bixi doonaan deegaanada Maamulka hirShabelle ayaa maanta waxaa kulan labaad oo aritan looga xaajoonayo Magaalada Jowhar ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom.
Kulankan ayaa wuxuu daba socdaa kulan bishan horaanteeda ay ku yeesheen Magaalada Jowhar Madaxweyne Waare iyo Saraakiisha Amisom waxaana Saraakiishan marka la baadka la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle ka mid ah ku xigeenka Madaxa Amisom Ambassador Madeira iyo qaar kale.
Waxyaabaha kulamadan diiradda lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah qorshaha ka bixi taanka deegaanada Maamulka Hirshabelle 28 bishan Feberury 1000 askari oo Burundi Ciidamadooda ka mid ah iyadoo arinkaas la sheegay in uu ka biya doodsan yahay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.
Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle uu u jeediyey Saraakiisha Amisom in xoogaa ay uyara kaadiyaan dibna ay u dhigaan qorshahan Ciidamada Burundi ay ugu baxayaan deegaanada Maamulkaas Amisom saraakiishoodana ay ka cagajiidayaan dalabka Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.