Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Hirshabelle gudi uu magacaabay oo gargaar gaarsiiyay Beledweyne
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay ku dhawaaqay gudi ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro kana tirsan maamulka Madaxweynaha uu ka yahay ee Hirshabelle iyadoo gudigaasi maanta gargaar gaarsiiyay qoysaska Fatahaada Wabiga Shabeele uu saamaynta ku reebay ee weli ku harsan degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dib markii diyaarad ay ka qaateen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe iyagoo waday agab noocyo kala duwan ah ka dibna farta ka saaray qoyasaska dhibaniyaash ah ee magaalada Beledweyne ku nool.
Gudigan ayaa waxay uqeebiyeen qoysaska raashiinka noocyadiisa kala duwan Marakaneeco ama Shandarwada iyo dawooyinka loo isticmaalo Malaria iyo kuwa loo isticmaalo Qaniinyada Bahalada dhul jiibtada ah sida Masaska iyo wixii kale ee halis ah haddii qof qaniinaan si loogu daweeyo.
Gudigan oo Saxaafadda kula hadlay xaafadaha biyaha Wabiga Shabeele uu fatahaada ku sameeyay biyahana weli dhax jiifaan ayaa sheegay in maalinta beri ah utalaabi doonaan deegaanada ka baxsan Beledweyne ee inta ugu badan bulshadii magaalada uqaxeen si gargaar bini,aadanimo ugaarsiiyaan.
Maalinta beri ah ayaa sidoo kale waxaa gudigan ku biiri doona gudiga ay magacawday dowladda federaalka Soomaaliya oo iyaguna gargaarkii dowladda oo nooc walba leh wata si ay u gaarsiiyaan qoysaska weli ku harsan Beledweyne iyo kuwa kale ee duleedka magaalada u barakacay.
Sidoo kale gudiga dowladda federaalka Soomaaliya ka socda ayaa waxay gargaarkaasi gaarsiin doonaan qoysaska kale ee ku nool gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug,Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale maamulka Jubnlamd.