Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Safiiro

Published

on

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyagoo ka wada hadlay arimaha amniga,dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle iyo shirka iskaashiga Soomaaliya ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha iyo danjiraha wada qaateen ayaa waxa kulanka ku wehliyay u qaybsamaha Wasaaradda arrimaha dibadda UK ee Africa haweenayda lagu Magacaabo Harriet Mathews waxaana kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay waxaana diirada lagu saaray sidii HirShabeelle looga gacansiin lahaa dhinacyada horumarinta iyo Ammaanka iyo sidii loo casriyeyn lahaa dhismaha Ciidanka Boliiska HirShabeelle dowladda Ingiriiskana ay uga sameysan laheyd deegaanada HirShabeelle Xero Ciidan oo lagu tababarayo Ciidanka ammaanka Hirshabelle.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira sidii Hirshabelle looga fulin lahaa mashaariicyada Swdeden oo ay fuliyaan hey’adaha Qaramada Midoobay sida barnaamijyada caafimaadka horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Kulanka Madaxweyne Waare iyo safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa waxa ku wehliyay uqaysamaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Africa Ola Karlman waxaana arrimihii laga wada hadlay safiirka uu balanqaaday in ay fulinayaan dhowaana booqasho ku tagi doono deegaanada Hirshabelle si loo kordhiyo mashaariicda lagu caawinayo maamulka Hirshabelle.

Trending

Exit mobile version