Wararka Soomaalida

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo go,aan ka gaaray ka qabgalka shirka Garowe

Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Garowe ee Maamulka Puntland uu ka furmo shir uu iclaamiyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni 2-bishan May in Garowe uu ka dhaco shir ay iskuuga imaanayaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada. Shirkaas ayaa waxaa lagu xalinayaa khilaafka Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada ee […]

Published

on

Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Garowe ee Maamulka Puntland uu ka furmo shir uu iclaamiyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni 2-bishan May in Garowe uu ka dhaco shir ay iskuuga imaanayaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Shirkaas ayaa waxaa lagu xalinayaa khilaafka Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada ee Soomaaliya ee muddada soo socday.

Ka qayb galka shirkaas garowe Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxay ka shirayeen Maalmihii la soo dhaafay iyagoo ka aransanayey go,aankii ay ka qaadan lahaayeen ka qayb galka shirka Garowe.

Ugu dambayn wada tashiyo dheer ka dib waxay isku raaceen in ay ka qayb galaan shirkaas beri ka furmaya Garowe.

Galabta ayaa waxaa Magaalada Garowe gaaray wafdi wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya hor dhacna u,ah Madaxda dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version