Wararka Soomaalida

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyadeedayay Geerida Abwaan Sangub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa siwadajir ah ugu tacsiyadeeyay geeridii ku timid Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub oo maanta ku geeriyooday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii halkaas loo geeyay xaalada Caafimaad. Abwaan Sangub ayaa bilooyinkii dsmbe […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa siwadajir ah ugu tacsiyadeeyay geeridii ku timid Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub oo maanta ku geeriyooday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii halkaas loo geeyay xaalada Caafimaad.

Abwaan Sangub ayaa bilooyinkii dsmbe ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho iyadoo markii dambe xaalada Caafimaad awgeed dowladda Soomaaliya ugu qaatay dalka Ethiopia ka dibna tii rabi maanta ugu timid Magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray War saxaafadeed sidan ayuu udhignaa.

Muqdisho, 18 Juun, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.”

“Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

DHAMMAAD

Dhinaca kale Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhiniciisa wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray dhabaalkan tacsida ah.

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub. Waxa uu astaan u ahaa waddaniyadda. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version