Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka wada hadlay arimaha amaanka
Ra’iisul wasaaraha Xuukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay booqasho Rasmi,ah ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan laqaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuuru Kenyatta. Uhuuru iyo Khayre ayaa ka wada hadlay arimaha amaanka iyo la dagaalanka argagixisada waxayna lamadaan Mas,uul islameel dhigeen sidii dagaal looga saarilahaa Al shabaab dhulka ay ka maamulaan […]
Ra’iisul wasaaraha Xuukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay booqasho Rasmi,ah ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan laqaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuuru Kenyatta.
Uhuuru iyo Khayre ayaa ka wada hadlay arimaha amaanka iyo la dagaalanka argagixisada waxayna lamadaan Mas,uul islameel dhigeen sidii dagaal looga saarilahaa Al shabaab dhulka ay ka maamulaan Soomaaliya iyo Arimo kale.
Waxay kaloo ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo Uhuuru u sheegay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre Soomaaliya ay uhayaan marwaliba xushmad iyo walaatanimo ayna jecelyihiin in ay arkaan Kenya Soomaaliya oo nabad ah.
Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka Geeska Africa ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.
Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah,wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.