Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Killalka shanaad oo qaadhacay shirkii Addis Ababa

Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) Madaxweynaha Soomaali State ayaa qaadhacay shirkii Beelweynta Direed ugu soo gaba gaboobay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya. Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa uu sheegay wax shir Soomaali ku saabsan in aan lagu qabankarin deegaanada Maamulkiisa hoos yimaada. Waxaa kaloo intaas raaciyey shirkii Addis Ababa ugu soo gaba gaboobay Odayaasha dhaqanka,Haweenka,Aqoonyahanada […]

Published

on

Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) Madaxweynaha Soomaali State ayaa qaadhacay shirkii Beelweynta Direed ugu soo gaba gaboobay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa uu sheegay wax shir Soomaali ku saabsan in aan lagu qabankarin deegaanada Maamulkiisa hoos yimaada.

Waxaa kaloo intaas raaciyey shirkii Addis Ababa ugu soo gaba gaboobay Odayaasha dhaqanka,Haweenka,Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Direed ee ka dhacay Addis Ababa in uu ahaa mid qaab qaladan loo maray sharcidarana ay tahay wixii ka soo baxay Shirkaas.

Mustafe Maxamed Cumar Cagjar ayaa la sheegay in uu diiday in Shirka Addis Ababa ka dhacay in lagu qabto Magaalada Jigjiga ka dibna Ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr Abiy Axmed u yeeray qaban qaabiyaasha Shirkaas in ay ku qabsadaan shirkooda Magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kale Wararka ka imaanaya Jigjiga ayaa sheegay in Mustafe Maxamed Cumar uu qaban qaabinayo shir looga soo hor jeedo kii kadhacay Addis Ababa ee dalka itoobiya.

Shirka Cagjar uu ku dhawaaqay in uu qabanayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu uqabanayo beesha asaga uu ka dhashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version