Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen oo gaaray Garowe Daawo Sawirada
Waxaa galabta Magaalada Garowe gaaray Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo diyaarad qaadeen ah ka raacay Magaalada Baydhabo ka dib markii ay soo gaartay Warqada casuumaada ah ee ka qayb galka Caleema Saarka Siciid Deni iyo Axmed Karaash ee Madaxda Puntland. Wafdiga Lafta Gareen ayaa waxaa soo dhaweeyey […]
Waxaa galabta Magaalada Garowe gaaray Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo diyaarad qaadeen ah ka raacay Magaalada Baydhabo ka dib markii ay soo gaartay Warqada casuumaada ah ee ka qayb galka Caleema Saarka Siciid Deni iyo Axmed Karaash ee Madaxda Puntland.
Wafdiga Lafta Gareen ayaa waxaa soo dhaweeyey oo garoonka diyaaradaha kaga hortagay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee lacaleema saarayo Siciid Deni iyo Axmed Karaash.
Lafta Gareen oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo tegitaagnka Garowe ayaa waxaa uu yiri”Waxaan Nabad tagay Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland, halkaas oo aan uga qeyb galaayo caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland”
Xaflada beri ka dhacaysa Magaalada Garowe ayaan loo kala harin waxaana isku arki doona Siyaasiyiin hadda xilal haya iyo kuwo horey xilal usoo qabtay balse quluubtooda aaney isjaclayn iyo in wajiyadooda is qabtaan ama indhahooda isku dhacaan.