Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Baraawe
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi ka kooban wasiiro iyo Xildhibaano ayaa maanta Gaaray Degmada Barawe ee xarunta maamulka Koonfur galbeed iyadoo halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay bulshuda ku nool degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Safarka wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Degmada Baraawe ayaa wuxuu ku qotomaa ukuur gelida xaalada bulshada ku nool degmadaasi iyo xaalada amaan ee Baraawe sida aan wararka ku helnay ay sheegayaan.
C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdigi uu hogaaminayo ee gaaray Baraawe ayaa diyaarad khaas ah ka soo raacay magaalada Baydhabo ee xatunta gobolka Baay iyadoo isla maantaba dib ugu laaban doono magaaladii ay ka yimaadeen.