Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Saraakiisha CXD
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay Saraakiisha hogaamisa Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 60-aad ee ka howl-gasha deegaanada maamulka Koonfur Galbeed sida gobolka Shabeelaha hoose iyo gobolka Baay.
Saraakiisha uu lakulmay Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta iyo iyo saraakiil kale wax yaabaha kulan kooda diiradda ku saareen waxaa ka mid ah sidii loo dar-dargelin lahaa la dagaalanka argagixisada iyo ka xoraynta deegaanada Koonfur Galbeed ee wali kooxda Al shabaab ay kaga sugan yihiin.
“Waxaan kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka lugta xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan qeybta 60-aad ee xoogga dalka,waxaan kala hadlay howlgalada ay CXD ka sameynayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee lagu cirib tirayo argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.
Degmooyin ka tirsan gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha hoose ayaa waxaa wali gacanta ku haya oo maamusha kooxda Al shabaab iyadoo shscabka ku hoos nool kooxdaas si qorsiidi ah xog usiiya saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka si looga dulqaado sida in badanba Saxaafadda ay u sheegaan saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.
Saraakiisha uu la kulmay Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxay ubalan qaadeen in sida ugu macquulsan kooxdaas ay uga saarayaan deegaanada Koonfur Galbeed ee wali kooxda maamusho.