Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay gudiga daadadka soo rogmaday

Published

on

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ku dhawaaqay gudiga daadadka soo rogmaday ee ka dhacay gobolada Baay iyo bakool deegaano ka mid ah iyo sidoo kale cabsi laga qabo in gobolka Shabeelaha hoose oo mara Wabiga Shabeele uu ku fataho.

Gudigan uu magacaabay Madaxweyne Lafta Gareen ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 9 xubnood waxayna ubadan yihiin golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed waxaana gudigaasi ka mid ah Gudoomiyaasha gobolada Bakool iyo Shabeelada hoose Maxamed Cabdi Maxamed (Tool) Gudoomiyaha gobolka Bakool oo daadad ku soo rogmadeen deegaano ka mid ah gobolkaasi sida degmada Ceel Barde ka dib markii gobolka Bakool uu ka da,ay roobab aad uxoogan iyo Ibraahim Aadan Najax Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo laga cabsiqabo in Fatahaad uu ku sameeyo Wabiga Shabeele.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa gudigan uu umagacaabay Fatahaada iyo daadadka soo rogmaday faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan deegaanada daadadka ku soo rogmadeen iyo ka baaraan degida Fatahaada laga dareen qabo in Wabiga Shabeele uu ku sameeyo Shabeelaha hoose.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in degmada Bardaale ee gobolka Baay roobabkii xoogganaa ee halkaasi ka da,ay awgeed daadad xoog leh ku soo rogmadeen bulshadiina ka barakacday magaalada.

Halkan ka akhriso magacyada gudiga Fatahaaada iyo Daadadka soo rogmaday ee Koonfur Galbeed.

Trending

Exit mobile version