Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si adag ucambaareeyay falkii ka dhacay Gaalkacyo

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay dadkii shacabka ahaa ee xalay lagu laayay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuwasoo ka soo jeeda deegaanada Baay,Bakool iyo shabeelada Hoose ka dib markii dablay reer Galmudug ah halmeel ku wada laayeen dadkaas shacsbka […]

Published

on

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay dadkii shacabka ahaa ee xalay lagu laayay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuwasoo ka soo jeeda deegaanada Baay,Bakool iyo shabeelada Hoose ka dib markii dablay reer Galmudug ah halmeel ku wada laayeen dadkaas shacsbka ahaa.

Dad gaaraya 9 qof oo iskuuga jiray Odayaal iyo dhalinyaro ayaa xalay xaafad ka mid ah Magaalada Gaalkacyo intii qofba Xaafad laga soo ka xeeyay halmeel lagu wada dilay.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa wax laga xumaado oo aad loola yaabo ku tilmaamay dhacdadii xalay ka dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo wuxuuna ka codsaday Madaxda Maamulka Galmudug inay jawaab deg deg ah ka siiyaan shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed waxa keenay in dad shacab ah oo aan waxba galabsanin lagu laayo Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf in arintaas jawaab qancinkarta Shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed uu ka bixiyo dhacdadaas fooshaxunle kuwii ka dambeeyay falkaasna gacanta ku soo dhigaan.

Lafta Gareen ayaa ugu baaqay shacabka reer Koonfur Galbeed intii jawaab laga helayo dhinaca Galmudug wax talaabo ah qaadin oo ay isdejiyaan ilaa amar dambe Maamulkooduna ay kubjalsoonaadaan.

Dhinaca kale Lafta Gareen ayaa sheegay in arintaas ay usaareen gudi xaqiiqo raadin ah haatana shaqadoodiiba ay guda galeen.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay gaalin mugleh ka gaystaan baarista iyo soo qabashada dadkii falkaas ka dsmbeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version