Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Koongur Galbeed oo kulan la qaatay Saraakiil UN-ka ah Daawo Sawirada

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Madaxa Xafiiska QM ee UNSOM Mas,uulka lagu magacaabo Arnaud Laloum kaasoo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Kulankaas ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dar-dar-gelinta Howlaha shaqo ee ka dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Xafiiskaas sidoo kale […]

Published

on

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Madaxa Xafiiska QM ee UNSOM Mas,uulka lagu magacaabo Arnaud Laloum kaasoo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kulankaas ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dar-dar-gelinta Howlaha shaqo ee ka dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Xafiiskaas sidoo kale hay,adaha kale ee iyana xafiisyada ku leh Magaaladaas waxaa kaloo ka qayb galay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Baydhabo ku sugan.

Lafta Gareen oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu yiri”Kulan uu soo qaban qaabiyay madaxa UNSOM ee magaalada Baydhabo Arnaud Laloum ayaan ka qeyb galay, kaasoo u jeedadiisu ahayd isbarasho qeybaha UN-ka ee KGS oo kala ah UNSOM, UNCT UNMAS, UNSOS & sidii maamulka aan hoggaamiyo iyo hay’adahaan loo sii xoojin lahaa wada shaqeyntooda”

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo hadda ku howlan soo magacaabista Golahiisa wasiirada iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas ayaa maalmahaanba ku jiray qaabilaada Madax,kala duwan oo caalamka ah iyo waliba kuwa Soomaalida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version