Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo magacaabay Gudi 7 Xubnood ka kooban
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magacaabay Gudi ka kooban 7 Xubnood oo Xaqiiqo raadin ah. Gudiga uu magacaabay Lafta Gareen ayaa waxay baaris ku soo samaynayaan Rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo 13-14- iyo 15 kii bishii December ee sanadkii dhamaaday 2018kii. Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 […]
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magacaabay Gudi ka kooban 7 Xubnood oo Xaqiiqo raadin ah.
Gudiga uu magacaabay Lafta Gareen ayaa waxay baaris ku soo samaynayaan Rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo 13-14- iyo 15 kii bishii December ee sanadkii dhamaaday 2018kii.
Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 ruux sida ay sheegeen Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo iyo waliba dilkii Xildhibaankii Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsanaa.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay magacaabista Gudigan baahida keentay in uu magacaabo in ay tahay ka dib markii talooyin farabadan iyo soo jeedin uga timid Dhanka Bulshada reer Baydhabo in lamagacaabo Gudi soo baara wixii ka dhacay Baydhabo uu go,aansaday in uu magacaabo Gudigan ka kooban 7 xubnood oo iskuuga jira Qaar ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka ee Baydhabo qaarkood.