Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo booqasho ku tagay Baraawe Daawo Sawirada

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka Maamulkaas iyo Salaadiin ayaa maanta booqasho ku tagay Degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan Degmada Baraawe. Wafdiga Lafta Gareen ayaa waxaa ku weheliya Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Salaadiinta qaar ee Gobolka shabeelada hoose. […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka Maamulkaas iyo Salaadiin ayaa maanta booqasho ku tagay Degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan Degmada Baraawe.

Wafdiga Lafta Gareen ayaa waxaa ku weheliya Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Salaadiinta qaar ee Gobolka shabeelada hoose.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa diyaarad qaas ah ku tagay Degmada Baraawe waxaana soo dhaweyn balaaran u sameeyey Bulshada ku nool Baraawe.

Lafta Gareen oo ka hadlay soo dhaweynta shacabka ayaa umahad celiyey shacabka iyo maamulka Baraawe.

Cabducasiis Lafta Gareen mar uu ka hadlay soo dhaweynta shacabka ayaa waxaa uu yiri”waxaa na soo dhaweeyey shacab ubisil dowladnimada waxaan umahad celinayaa shacabka shabeelada hoose gaar ahaan reer baraawe”ayaa ka mid ahaa hadaladiisa.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa booqday dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe wuxuuna sheegay Lafta Gareen in mardhow la soo gaba gabaynayo dhismaha Ku socday Garoonka Diyaaradaha Baraawe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version