Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in xabsi iskiiga jiri doonin Mukhtaar Roobow

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo markii uga horaysay ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow Cali ka dib markii uu kulan Baydhabo uu kula yeeshay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed gaar ahaan Odayaasha isku heebta ay yihiin Wadaadka xiran ayaa Lafta Gareen waxaa uu raali gelin uu kasiiyey Odayaasha xariga Roobow. Lafta Gareen […]

Published

on

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo markii uga horaysay ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow Cali ka dib markii uu kulan Baydhabo uu kula yeeshay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed gaar ahaan Odayaasha isku heebta ay yihiin Wadaadka xiran ayaa Lafta Gareen waxaa uu raali gelin uu kasiiyey Odayaasha xariga Roobow.

Lafta Gareen ayaa usheegay Odayaasha in arinta Roobow uu kala hadlay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Maxamed Mursal meel wanaagsana ay wax umarayaan sida rajadiisa ay tahayna Mukhtaar Roobow iskiiga jiri doonin Xabsiga oo Xoriyaddiisa uu heli doono.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kaloo uu u sheegay Odayaasha in arinta Mukhtaar asagoo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed loo daayo maalmaha nagu soo aadana la soo daynayo Mukhtaar Roobow.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Odayaashii uu kulanka la qaatay u sheegay wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo uu ka xunyahay raalina uusan ka ahayn Odayaashana Candhuuftooda ay dib ulaqaan kana raali ahaadaan wax walba oo dhacay sidoo kale ay la shaqeeyaan Maamulkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version