Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo baaq ka soo saaray dagaalka Ceel-Afweyn
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka daba dheeradaaday ee ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag. Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa muddo laba bilood ah ku dagaalamaya maleeshiyaad kala taabacsan qaar ka mid ah qabiilada degan Gobolka Sanaag ka dib markii ay isku dagaaleen […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka daba dheeradaaday ee ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa muddo laba bilood ah ku dagaalamaya maleeshiyaad kala taabacsan qaar ka mid ah qabiilada degan Gobolka Sanaag ka dib markii ay isku dagaaleen dhul daaqsin iyo ceel biyoodyada ku yaala Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Ceel-Afweyn.
Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay shacab farabadan iyo qaar ka mid ah Maleeshiyada dagaalamay iyadoo kuwo kalana ay ku dhaawacmeen muddada uu socdo dagaalkaas.
Maamulka Soomaaliland oo mararbadan isku dayay xalinta colaadaas ayaa ku guul daraystay deminta colaada Ceel-Afweyn ka taagan iyadoo dhowr jeer halkaas loo diray wasiiro,Xildhibaano iyo Saraakiil ka dibna natiijo la,aan ku laabtay Magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo fiirsan waayay una adkaysan waayay dhiiga micinadarada ugu qubanaya Ceel-Afweyn ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka inay si deg deg ah ujoojiyaan dagaalka dhiiga badan ku daadanaya ee ka taagan Gobolka Sanaag baaqiisana u hogaansamaan.
Haddaba Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo laga soo saaray War-Saxaafadeed ku saabsan dagaalka Ceel-Afweyn iyo baaqa Madaxweynaha ayaa wuxuu uqoran yahay sida tan:-
Muqdisho,11-07-2019 Luulyo War-Saxaafadeed Ceel-Afweyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.
“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.
DHAMMAAD