Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo bogaadin ujeediyay Maamulka G/Banaadir+Sawiro

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha qadiimiga ah iyo kuwa kale ee Hay’adaha dowladda ee dagaaladii sokeeye ku bur-buray. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhagaysta Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir markii Madaxweynaha uu dhageystay […]

Published

on

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha qadiimiga ah iyo kuwa kale ee Hay’adaha dowladda ee dagaaladii sokeeye ku bur-buray.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhagaysta Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir markii Madaxweynaha uu dhageystay warbixinada guud wuxuu ku amaanay Gudoomiye Yariisow iyo guud ahaan Maamulka uu madaxda u yahay inay ka soo baxeen waajibaadkii looga baahnaa.

Haddaba xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray War-Saxaafadeed la xiriira amaanta iyo bogaadinta Madaxweynaha uu ujeediyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo wax qabadkooda.

Muqdisho, Juun 13, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.”

Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka.

Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.

Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version