Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo fariin muhiim ah udiray Xukuumadda iyo shacabka
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi udiray dhamaan umadda Soomaaliyeed 14-kii Oktoobar qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho in samir iyo iimaan ilaahay kasiiyo dadkii ehelkooda kuwaayay musiibadaas sidoo kale inta weli dhaawaca la daaladhacaya ilaahay caafimaad taam ah siiyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xukuumadda faray inay ilgaar ah ku eegto islamarkaana xanaanayso caruurta ehelkooda ku dhintay musiibadaas iyo muwaadiniinta kale ee ku wax yeeloobay dhacdadaasi xanuunka badan leh.
“14 October waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah,qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu Tan iyo wakhtigaas dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool,ugu dambeyntii waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan”ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xiligaas wuxuu ka mid ahaa Madaxdii shacabka ugurmatay weliba dhiigiisa ushubay asaga,Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ee waqtigaas Taabid Cabdi Maxamed.
Sidoo kale siyaasiyiintii waqtigaas dhiiga shubay waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Roobow Cali iyo siyaasiyiin kale.