Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo furay kulankii Baarkamanka+sawiro
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta furay kal Fadhiga 5-aad ee kulanka Golaha shacabka Soomaaliya oo muddo dheer ka dib fasax ka soo laabtay. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyey Xildhibaanadii ka geeriyooday Golaha shacabka intii fasaxa lagu jiray kuwaasoo badankood Al shabaab siyaabo kala duwan ay udileen waxaana ka mid ah. […]
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta furay kal Fadhiga 5-aad ee kulanka Golaha shacabka Soomaaliya oo muddo dheer ka dib fasax ka soo laabtay.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyey Xildhibaanadii ka geeriyooday Golaha shacabka intii fasaxa lagu jiray kuwaasoo badankood Al shabaab siyaabo kala duwan ay udileen waxaana ka mid ah.
1-Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo Al shabaab ay ku dileen Gurigiisa oo ku yaala Degmada Kaaraan.
2-Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla ahaana wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo lagu dilay Qaraxii Wasaaradda shaqada iyo dhaqaalaha.
3-Xildhibaan ahaana wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo xanuun ku soo booday ugu dhintay Dubai.
Intaas ka dib Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha shaqo ee dowladda wuxuuna sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen dowladda muddadii labada sano ahayd.
Waxaa uu intaas ku daray in Kubaca dhaqaalaha ee dowladda uu kordhay sidoo kale ay sii wadayaan kobcinta dhaqaalaha.
Waxaa uu ka hadlay arrimaha cafinta deynta in meel wanaagsan ay mareyso.
Xiriirka caalamiga ah in uu wanaagsan yahay.
Amaanka ayuu sheegay in ay ku talajiraan qaabkii loo sugi lahaa.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in kaalin mugleh ay ka qaataan sugida amniga si looga adkaado kooxda Al shabaab.
Golaha shacabka ka sokow Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali sheekh ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalle,Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.