Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo ka hadlay weerarkii Hotel Cas-Caseey(Akhriso)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen Hotel Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay Madaxweynaha in Al shabaab ay yihiin cadow loo soo diray laynta umadda soomaaliyeed. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen Hotel Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay Madaxweynaha in Al shabaab ay yihiin cadow loo soo diray laynta umadda soomaaliyeed.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay umidoobaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxda dhiig cabka ah ee Al shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas bahalnimada ah ee kooxda Al shabaab ka fuliyeen Hotelka Cas-Caseey in ilaahay samir iyo imaan ka siiyo inta dhaawaca ahna ilaahay ubooga dhayo.
Muqdisho, Luulyo 13, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.
DHAMMAAD