Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo kulan xasaasi ah la yeeshay Mursal iyo Xaashi+sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah ugu yeeray labada Gudoomiye ee Baarlamanka labadiisa Aqal ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyagoo kulan dhinacyo badan looga hadlay ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Gudoomiye ayaa Madaxweynaha ugu warbixiyey shaqooyinka dardarta leh […]

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah ugu yeeray labada Gudoomiye ee Baarlamanka labadiisa Aqal ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyagoo kulan dhinacyo badan looga hadlay ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Labada Gudoomiye ayaa Madaxweynaha ugu warbixiyey shaqooyinka dardarta leh ee ay wadaan Baarlamanka Soomaaliya iyo ka doodista Hindisa sharciyeedyada hor yaala Baarlamanka iyo dejinta sharciyada Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulankan ku xaliyey khilaaf udhaxeeyey labada Gudoomiye ee Baarlamanka Soomaaliya kuna saabsan xagga shaqada iyo isla howl galidda labada Aqal arintaas oo muddo ka dhax taagneed labada Baarlamaan.

Madaxweynaha ayaa labada Gudoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya ku adkeeyey in ay adkeeyaan wada shaqaynta labada Gole iyo guud ahaan hay’adaha dowladda ayna ka shaqeeyaan horumarka dalka Soomaaliya.

Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi ayaa ka aqbalay codsiga Madaxweynaha ee ah adkaynta wada shaqaynta iyo ka shaqaynta horumarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku booriyey labada Gudoomiye in ay dedejiyaan 29 Hindisa sharciyeedyo ee hor yaala Golaha Baarlamanka islamarkaana ay usoo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya inta aan xirmin kul fadhiyada labada Gole.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version