Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo maanta saxiixay qodob muhiim ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qayb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee Soomaaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,Golaha Xukuumadda,Xildhibaannada,Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.
“Sharcigan wuxuu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga,qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaasha”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo wuxuu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda wuxuu si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo isagoo adkeeyay go’aanka adag ee arinkaas laga gaari fulintiisa iyo talaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.
Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji,Wasiirka Maaliyadda Cabdirixmaan Ducaale Beyle,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdullaahi Cali Xasan,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow,Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye.