Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo magacaabay Mas,uul cusub
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa inta uusan usafrin Magaalada Pretoria ee Caasimadda dalka South Africa wareegto Madaxweyne ku magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir. Wareegtada Madaxweynaha ka soo baxday Xafiiskiisa ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Maamulka Maaliyadda waxaana loo magacaabay Ibraahim Cumar Mahad […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa inta uusan usafrin Magaalada Pretoria ee Caasimadda dalka South Africa wareegto Madaxweyne ku magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Wareegtada Madaxweynaha ka soo baxday Xafiiskiisa ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Maamulka Maaliyadda waxaana loo magacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle oo loo yaqaano Ibraahim Dheere.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa waxaa lagu yiri laga bilaabo maanta waxaan Gudoomoye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir umagacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.
“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waaya-aragnimada uu Maamulka Maaliyadda uu uleeyahay Ibraahim dheere waxaa umagacaabay xilkan inuu ka soo dhalaali karo”ayaa lagu yiri xeerkan uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo mas,uuliyadda culus ee loo igmaday isagoo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo xilsaaray Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim Dheere.