Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo la shiray Ahlusuna
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa degmadda Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kulan dheer kula yeeshay madaxda ugu saraysa Ahlusuna Waljamaaca ee taladu ka go,do.
Waxyaabaha kulankaas diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa cabasho ay qabeen Ahlusuna oo ku saabsan saamiga Culimada Golaha Baarlamanka cusub ee Galmudug in meel uu saaro Madaxweynaha in darajada saarakiishooda ahlusuna Madaxweynaha uu usaxiixo iyo lacag horay ahlusuna loo balan qaaday oo qaarkeed wali dhaqan gelin in la dedejiyo dhaqan galkeeda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ka aqbalay culimada dalabkeeda qaarna uu ka diiday iyadoo qodobadii qaar ee la isku fahminwaayay dib loodhigay sida 30 Xildhibaan oo Ahlusuna dalbatay in laga siiyo golaha baarlamanka inuu ahaa qodobka doodiisa dheeraatay la iskuna fahmi waayay ka dibna dib loo dhigay laakiin Madaxweynaha inta kale uu ka ogolaaday ahlusuna.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo culimada ahlusuna ee uu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Shaakir Cali,Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari).
Dhankooda hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla caawaba dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu soo xiray shirkii dib u heshiisiinta beelaha Galmudug iyo kulamadii xigay ee Dhuusa-mareeb uu soo dhamaystay.