Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo si adag uga hadlay rabshadihii Muqdisho+sawiro
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay rabshadihii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii Bajaajliyaasha Muqdisho ee Ciidamada dowladda ay kula kacaan. Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyey dilkii ugu dambeeyey ee saaka loogu gaystay Isgoyska howl wadaag ee Magaalada Muqdisho wade motto Bajaaj wuxuuna intaas ku […]
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay rabshadihii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii Bajaajliyaasha Muqdisho ee Ciidamada dowladda ay kula kacaan.
Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyey dilkii ugu dambeeyey ee saaka loogu gaystay Isgoyska howl wadaag ee Magaalada Muqdisho wade motto Bajaaj wuxuuna intaas ku daray in wax loo dulqaadan karo aaney noqonaynin wixii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
“Maanta wax aan Fiicneyn oo laga soo gudbay ayaa dhacay, Askartii aan u tababarnay inay la dagaalamaan Cadawga,Askartii aan u tababarnay inay shacabka u naxariistaan,sugaan amnigooda mid ka mid ah ayaa dilay Wiilal dhallinyaro ah waa nasiib daro balse Askarta waa laga helaa mid iyo labo dhaqan xun, allaha u Naxariisto Wiilashii la dilay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
waxaa kaloo uu sheegay Madaxweynaha in ciidamada amniga ay ku amaanayihiin dedaalka ay ugu jiraan xaqiijinta xasiloonida iyo kala dambeynta ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale wax laga xumaado aan oo loo baahneyn ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay maanta ka dhacay Muqdisho ee ahaa divas baxii rabshadaha watay
“Wax kastoo dhaca dowlad ayaad leedihihiin anagu doorasho ayaan ku nimid qofkii wax tabanaya maaha inuu cadaaladda gacantiisa ku qaato,ma aha inuu burburiyo hantida ganacstada, ma aha inuu gacan siiyo caddowga aan la dagaaleyno ee Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabku iney shucuurtooda ku muujiyaan si amaan ah wuxuuna xusay inaan loo dulqaadaneynin in la geysto rabshado iyo boob ka dhan ah amniga iyo dhibaateynta shacabka.
“Mudaaharaad aan sharciyeysneyn, mudaaharaad lagu burburinayo hantida ganacsatada ma ogolaaneyno argagixsiada waxaa u haray inay idinku soo dhex dhuntaan, dowladdan Wadaddii caddeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso umadda Soomaaliyeed way socotaa horey ayaan u soconeynaa shacabkeena ayaan u adeegeynaa,danley yeysan been idin sheegin,Soomaaliya waxa meesha dhigay waa dad qabiileystayaal ah oo qabiil ku shaqeysta annagu ma ogolaaneyno wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed in mustqabalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro Waxaan Alle hortiis idin kuuga ballan qaadeynaa ciddii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Dowladnimada Soomaaliyeed iyo karaamada wallaahi gacan adag ayaan ku qabaneyna”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hadalkan ayaa Madaxweynaha wuxuu ka jeediyey shir galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ka dib markii uu la kulmay qaar ka mid ah mudaharaadiyaashii iyo ehelada Motto Bajaajliyaashii lagu dilay Magaalada Muqdisho.