Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo uduuli doona Washington
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinta bari ah uduuli doona magaalada Washington ee dalka Maraykanka iyadoo halkaas ay kaga qayb geli doonaan Shirka 74-d ee Golaha amaanka ee QM.
Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku aadayo Maraykanka iyo ka qayb galka shirka Golaha amaanka ee QM ee ka dhici doona magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago dalka Maraykanka kagana qayb galo shirkaas asagoo Madaxweyne Soomaaliyeed ah tan iyo markii xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya loo doortay sanadkii 2017-dii.
Haddaba safarka Maraykanka uu ku aadayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa war ka soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya wuxuuna uqoran yahay sidatan.
“Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka iyadoo shirka 74-aad ee QM sanadkan cinwaan looga dhigay arimaha dib u xoojinta dadaalada wadajirka ah ee lagu dabar goynayo saboolnimada,baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortaga dhibaatooyinka isbedelka cimilada”ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb gelaya shirka Washington ayaa halkaas kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal uu la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo dhigiisa dalalka Caalamka ee ka qayb gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamka ay kaga arrinsan doonaan shirkaas 74-aad ee Golaha amaanka QM ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah kobcinta dhaqaalaha,ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaalada lagu wajahyo ladagaalanka argagixisada.