Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo waraaqaha ka gudoomay Safiir cusub+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Safiirka Ruushka ay usoo magacaabeen dalka Soomaaliya Mikhail Golovanov. Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya ugudbiyay waraaqihiisa Safiirnimo ka dibna Madaxweyne Farmaajo ayaa ka aqbalay codsiga dowladda Ruushka waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Soomaaliya. Madaxtooyada Soomaaliya […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Safiirka Ruushka ay usoo magacaabeen dalka Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya ugudbiyay waraaqihiisa Safiirnimo ka dibna Madaxweyne Farmaajo ayaa ka aqbalay codsiga dowladda Ruushka waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka soo saartay war saxaafadeed ku saabsan qaabilaada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Safiirka cusub ee Ruushka Mikhail Golovanov.

Muqdisho, Luuliyo 10, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version