Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo xariga kajaray xarunta cusub Safaarada Soomaaliya ee Maraykanka

Published

on

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka xariga kaga jaray Guriga cusub ee Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Maraykanka ka dib markii dhulkaas oo dhisan dhowaan ay iibsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xarig jarkaas ka dib khudbad uu ujeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi ayaa Madaxweynaha usheegay in laga bilaabo caawa dhul dhisan oo ay leedahay Safaarada Soomaaliya loogu iibiyay dalka Maraykanka gaar ahaan Washington iyadoo jaaliyada aad ugu riyaaqeen talaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ka dib markii dhul milkiyan ay uleedahay Safaarada Soomaaliya ugu iibisay magaalada ay degan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lacag aan tirayareen ku iibiyeen Gurigan Safaarada Soomaaliya loogu iibiyay dalka Maraykanka iyadoo qorshahooda uu yahay in Soomaaliya dhul ay leedahay Safaarada Soomaaliya ku shaqayso iyadoo markii hore dhulka ay deganayd Safaarada Soomaaliya ee Maraykanka si KMG ah udeganayd.

Madaxweynaha iyo shicib weynihii ku sugnaa xarunta cusub ee Safaarada Soomaaliya ayaa halkaas waxaa caawa markii saacada soo gaadhay 12:00 PM oo habeenimo lagu saaray Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay dhul u,iibinta Safaaradaha ku yaala qaar ka mid ah wadamada Caalamka.

Trending

Exit mobile version