Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo caro awgeed ka cararay xarunta Baarlamanka Puntland

Published

on

Ka dib markii maanta uu furmay kal fadhigii 45 aad ee golaha baarlamanka Puntland ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan ka hadlaysay ka jeediyay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni isagoo dul istaagay arimaha amniga,siyaasada,dhaqaalaha,Caafimaadka iyo waxbarashada ka dibna ku dhawaaqay inuu furan yahay kal fadhiga 45 aad baarlamanka Puntland.

Markii uu dhamaystay khudbadiisii ee furitaanka Baarlamanka ayaa in ka badan 35 xildhibaan oo ka mid ah baarlamanka Puntland waxay soo jeediyeen codsi ah in Madaxweynaha ay weydiiyaan su,aalo la xiriira arimaha amniga iyo siyaasadda.

Madaxweyne Deni oo ogolaaday in su,aalo ay wey diin karaan Xildhibaanada ayaa waxaa su,aashii ugu horeysay weydiiyay Xildhibaan Cabdiweli Xasan Daad oo ku aadanayd in deegaanada Puntland amnidarada ka jirta ay gaartay heer Masaajida laga qanoodo.

Madaxweynaha oo si caro leh uga jawaabay Su,aasha uu weydiiyay Xildhibaanka ayaa ugu hanjabay inuu soo cadeeyo meesha amnidaradaasi taalo wixii qalqal amnidaro ah oo dhacana mas,uuliyadeeda uu qaadanayo Xildhibaan Cabdiweli Xasan Daad beenlowna ku tilmaamay.

Markii intaas hadalka marsiinayo ayaa waxaa howlga Baarlamanka Puntland uu fadhiyay qabsaday buuq iyo sawaxan ay samewyeen mudanayaasha Baarlamanka iyagoo ka carooday hanjabaada Madaxweynaha uu u jeediyay Xildhibaanka ka dibna Siciid Cabdulaahi Deni si deg deg ah uga baxay xarunta Baarlamanka iyadoon dhamaan su,aalihii la weydiinayay sidoo kale Gudoonka Baarlamanka uusan fasixin.

Arintan maanta kala qabsatay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo golaha baarlamanka ayaa waxay ku soo aadaysaa iyadoo dhawaan Mooshin xil ka qaadis ah baarlamanka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha sidoo kale deegaanada maamulkaasi uu ka taagan yahay kacdoon shacab.

Trending

Exit mobile version