Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in taageerada Axmed Madoobe ka laaban doonin
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso kadib ka qayb galkii Caleema Saarkii Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ee ka dhacay magaalada Kismaayo.
Wafdiga Deni ayaa waxaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay shacabweynaha ku nool magaaladaasi qeebahooda kala duwan iyo maamulka Boosaaso.
Deni oo khudbad dheer ujeediyay soo dhaweeyiyaashii Boosaaso ayaa waxaa uu ka hadlay arimihii Kismaayo ay ugaareen asaga iyo wafdigiisa.
“sidaad ka warqabtaan waxaan ka qayb galnay xafladdii caleema saarka magaalada Kismaayo ee loogu qabtay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, runtii wuxuu ahaa caleema saar si mugleh ay Puntland uga qayb gashay, waxaa tegey Wasiiro, Xildhibaano, odayaal iyo wax-garad tiro badan oo kamid ah bulshada Puntland anagu marwalaba waan garab taaganay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo shacabkiisa mana ka gorgortamayno”ayuu yiri Siciid Dnei.
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ku booriyey inay maalgashtaan magaalada Kismaayo dhinaca kale waxa uu Soomaaliya u rajeeyey inay ka raysandoonto dhibkii ay soo martay.