Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo Garowe lagu soo dhaweeyay

Published

on

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo u joogey Boosaaso ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen waftiga Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Warkan ayaa waxaa lagu daabacay Page-ka maamulka Puntland ee Facebook laakiin warka rasmiga ah ayaa wuxuu yahay in loo diiday inuu safar u aado magaalada Kismaayo si uu ugu qaybo galayo munaasabada caleema saarka Axmed Madoobe.

Trending

Exit mobile version