Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xero Ciidan
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Garoowe oo ay degan yihiin cutubka 54-aad wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo dhowaan tababarku usoo xidhmidoono wuxuu u xaqiijiyey in Maanta uu u socday shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarka ciidsnka.
“Shaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka gaar ahaan tababarka sidaad ogtihiin mudadii u dambaysay dowladdu waxay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayaynlahaa haday ahaan lahayd tababarkooda mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn waxaan ku faraxsanahay in qorshihii Puntland ay wax ka qabsoomeen laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaaro oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo Maamulkooduba ay isku halayn karaan si loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla” Ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Diciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ciidamada dhallinyarada ah ee tababarku u socdo ku booriyey inay waxbadan ka bartaan sarakiisha ciidan ee soo gaadhey dowladdii dhexe ee Soomaaliya kuwaasi oo qayb ka ah dhismaha iyo dib u habaynta ciidamada Puntland,Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey shaqada baaxaddaleh ee sarakiishu ka gaadheen dhismaha iyo dib u habaynta ciidanka.
Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka Daraawiishta, Guddiga dib u dhiska Ciidanka Puntland iyo la-taliyayaal arrimaha Ciidanka ah.