Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo Mashruuc dhagax dhigay mid kalana xariga ka jaray

Published

on

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray wadada wadajir ee degmada Qardho iyadoo la saarayo wadaasi laami Wadadana Madaxweynaha Puntland uu xariga ka jaray waxaa dhererkeedu gaarayaa 500M waxaana hirgelisay mashruucan maamulka degmada Qardho waxayna qayb ka tahay Mashruuca horumarinta Degmooyinka Puntland lagu hormarinayo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wuxuu u balan qaaday shacabka degmada Qardho iyo maamulkooduba in dhismaha wadada isku xirta Hotel Gufure iyo Suuqa-weyn ee Qardho kaalin weyn ka qaadan doonaan iyadoo wadaasi dheerarkeedu dhan yahay 200M.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa isla galabtaba dhagax dhigay Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho iyadoo arinkaasi noqonayso xarun lagu keydiyo aqoonta iyo taariikhda Maamulka Puntland wuxuuna bogaadiyay Madaxweynaha Puntland in maamulka degmada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka shaqeeyeen diyaarinta dhulka laga dhisayo Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho,sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka qaybtiisa ka qaadanayo si loo hirgeliyo xaruntan muhiimka ah.

Xafladda dhagax dhiga ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay wasiirka arimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabanacad,kan degmada Qardho iyo Guddiga uqaabilsan dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee Qardho.

Trending

Exit mobile version